
Radio Jigjiga (ST. Paul) September-15-2012 Todobaadkan dhexdiisa wuxuu qofkasta oo damiir lihi indhahiisa ku arkay dambiyada, iyo dad xasuuqnimada uu caadaystay ina Iley, waxaa si buuxda loowada arkay xasuuqii bahalnimo ee lagula kacay shacabkii ku noolaa tuulada Qoriile, kaba sii darane waxaa iyana duulaan gardaro cad ah lagu qaaday shacabka degan degmada Xarshin oo iyana layska xasuuqay, arintan oo ahayd siyaasad uu Cabdi Iley doonayey in lagu ilaabo xasuuqii Qoriile, iyo wixii dhacay balse iyana si xun buu ugu fashilmay.
Hadaba boggaga wali taageera ina Iley miyeysan arag laynta, iyo dilkan maalin walba lagu hayo shacabkooda maatada ah, ma cabsi ay wali kaqabaan kabtanka jigjiga ee gabalkiisu sii dhacayo ayaa jirta, haday arintaasi jirto ku bishaaraysta inuu kabtanku sii socdo cadceediisa godka kusii caraabayso, sidaa daraadeed waxaanu ugu baaqaynaa website-yadaasi iney kasoo noqdaan dabagalka indhaha la' ee ay iska dabasocdaa ina Iley.
Cabdi Iley waa dambiile caalami ah ninkii, ama boggii taageeraana waa dambiile kale.
Sidaan ilaa hada hayno boggaga ugu horeeya kuwa kabtanka taageera sida Xaajo, Dhanaan, Wabishabeele, iyo kuwo kale oo aan baryahan wax cusub lasoo galin midna laguma soo qorin xasuuqii Qoriile.
Markale qarinta aad u dambi qarinaysaan ina Iley waa la' dambi wuxuu isaguna sameeyo, xataa maalina maydaan kahadal sida uu C/laahi Cakaara usoo fashilay been abuurnimada ina Iley.
Si kasta hanoqotee wali waxaa la odhan karaa fursad baad haysataan aad xaqa dadkiina aan cidina idinka xigin uga hadashaan, kana daysaan qarinta, iyo xabaal-duugida aad u samaynaysaan gabalkiis dhaca Jigjiga.
ugu dambayn waxaa naga codsi ah inaad kusoo biirtaan qorayaasha doortay lajirka shacabkooda dulman, diidayna inay ka qaybqaataan xabaal-duuga lagu hayo dadkooda, boggan RJ-na waa kan ugu horeeya u hiilinta shacabka deegaanka, waxaana ilaahay mahadii ah inaanu ku guulaysanay inaanu C/laahi Xuseen kusoo darno xaq u dirirka dadkooda u hiiliyaasha ah. Waana C/laahi kan qabtay wixii ugu weynaa ee suxufi laga sugayey wuuna ku mahadsan yahay 100%, sidoo kalena wa ilahay mahadii baxsigiisu wuxuu ahaa fikir-khayreed oo uu isaga ku dhaliyey maamulka boggan RJ. Maalmaha soo socdana haduu eebe idmo waxaanu wareysan doonaa hero C/laahi Xuseen.

Ladies, and gentlemen we got him (Captain Iley)