Xusuusta Taariikhdii Xumayad iyo Ilhaamadii uu Dhiigyacab Males Zanawi uu u gayastay Shacabka Ogaadeniya
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Ayax tag iina reeb Hadaba Dhiigyacabkii Danbiilihii Abrihii Qarniga Xumaantii Geeska Afrika Fidnadii Geeska Afrika Kansarkii Afrika, Cadawgii Diinta Islaamka Halagihii Muslimiinta Geeska Afrika Gacmadhii Caga Dhiig Calool Dhiig Madax dhiig, Akhritaankii Allaah ayaa Qabatay, Qabasho daran, Lakiin Sida aad ka aragtaan Sawiradan wuxuu reebay ama ka tagay sawiradan iyo Taariikhdan xun oo uu u gayastay shacabka Ogaadeniya iyo waliba Dadka Kale ee ku dhaqan Geeska Afrika, shacabka Ogaadeniya xitaa wuxuu kala dagalamay diinta marka aad u fiirsato shacabka Jigjiga waxaa lagu khasbay inay shaashada ETV ay ka dawadaan Bakhtiga Males Daanyeer oo Xalay laga dawanayay Si toosa ETV waxaa Taas kaga daran in la soo fadhiisiyay Odayaal Waayeela oo lagu khasbayo inay u tacsiyeeyaan oo ay amaanan Dhiigyacabaka Gumaday Caruurtooda Shacabkooda iyo duqaydoodaba

Sawirkan, Waa Tuulada labiga oo ay Gubeen Maxaysatada Wayanadu 2008dii
Waa Gabadh Reer Ogaadeniya ah oo ay Maxaysatada Wayanadu u Gayasteen dhibkan ka muuqda Jirkeeda
waa Haweenay kale oo reer Ogaadeniya ah oo iyadana loogu gayastay tacadi xun gudaha Ogaadeniya, waana qayab ka mida Taariikhda lagu Xasuusan karo Dhiigyacabkii ilahay Ciqaabay ee Males Daanyeer Intii uu reebay
Waa Dhibane kale oo reer Ogaadeniya ah oo Jirdil Foolxun loogu gayastay Gudaha Ogaadeniya intii uusan imanin Xeryaha Qoxootiga ee IFO
Waa Qayab ka mida dadka aan waxba galabsan ee Sida Xun Loogu Jirdilay Gudaha Ogaadeniya
Waa sawir Muujinaya Dadka uu ka qariyay indhaha Caalamka Xilyadii ay Jireen Abaraha Daran iyo isga oo Xududii Ganacsigana ka xidhay
Diyaariye
Gaacuur
Shilaabonews.com