
Wararka nagasoo gaadhaya Ogaadeeniya ayaa sheegaya shalay oo ay taariikhdu ahayd 09/08/2012 in duleedka Dagmada Garigo’an oo ah deegaan aan sidaa uga fogayn magaalada cutub karitsan NH/CWXO ay kamiin qorshaysan u dhigeen gaadiid uu lahaa gumaysiga Ethiopia oo halkaa marayay. Waxaana halkaasi ku basbeeley hal baabuur oo nooca ciidamada qaada ah. Dad ka agdhowaa ayaa wakaaladda u xaqiijiyay in Askartii gumaysiga ee Baabuurkaasi la socotay uusan waxba kabixin.
Warka ayaa intaasi ku daraya in khasaare kale lasoo gaadhsiiyey gaadiidkii kale ee la socday gaadhiga halkaasi lagu dubtay.
Dhinaca kale NH/CWXO ayaa sii laba jibaaray dagaalada iyo weerarada ay ku hayaan ciidamada naflacaariga ah ee gumaysiga Ethiopia waxaana la sheegayaa in khal-khalkal xoogan uu ku dhacay kooxdii dhidid dhowrka u ahaa gumaysiga kadib markii ay baneeyee meela badan askartii gumaysiga ee gadaasha ka taagnayd.
Warar kale oon ka helnay deegaan ka ayaa sheegaya in gaadhi ay saarnaayeen Gudoomiye ku sheegii iyo ku xigeenkii magaalada Xarshin uu la gadoomay waxaana halkaasi ku dhintay gudoomiye ku sheegii gumaysiga wakiilka uga ahaa dagmada Xarshin, ku xigeenkiisii iyo laba askari. Waxaana la sheegayaa inuu jiro dhaawac badan oo ka dhashay gaadhiga gadoomay.
Gadoonka gaadhiga ayaa sabab u ahaa sida ay warinyeen dadka deegaanka kadib markii loo sheegay kooxdan dabaqoodhiga ah in agaagrka ku hareeraysan Xarshin ay soo buux dhaafiyeen NH/CWXO
ONA.