Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo

Nabadgelyo(Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa)
Xilka Madaxweyne-nimada ayaa ah hogaanka guud qaranka
waana xil amaano ah,daacadnimo,dadaal badan,karti iyo
cadaalad iyo dul qaad badan u baahan,si weyna insha iyo
afka dadku ku abaaran yihiin dhaliilaha,dhaleeceenta
iyo cambaareeyntuna ku badaneeyso waayo-Dadka Somaaliyeed
dhanka xumaanta ayeey wax ka eegan kana qiimeeyaan markaa
qof walba ma qaban karaayo xilkaas weliba waqtigan dhibka
Sida la wadda ogyahay waxaa xilkaas isu soo sharaxay ama ku
dhawaaqay isu soo taagidiisa shakhsiyaad aad u badan oo leh
aqoon diineed iyo mid cilmiyeedba kuna kala duwan dhanka waayo
aragnimadda iyo shakhsiyada qof ahaaneed waxaana suxid mudan in
aqlabiyadoodu yihiin rag leh aqoon cilmiyeed sarre(dr/Proff)iyo
wax u dhigma laakiin aqlabiyadooda eey ka maqan tahay qabashada
xil dowladeed una badan qurba joog shaki kuma jiro in afartan
Mudane oo aan sawiradooda soo qaatay yihiin kuwa ku haboon in eey
xilkaas qaran qabtaan marka aan ka eego:-Daacadnimadooda,Dareenka
Wadaniyadeed,Hufnaantooda,Kartidooda iyo dalka jaceylkoodaba:-
1-Xurmadle-Madaxweyne-Sh.Shariif Sh.Axmed.
2-Xurmadle-Proff-Maxamed C/Laahi Max,d(farmaajo).
3-Xurmadle-Dr-C/raxmaan Macallin C/llaahi(Baadiyoow).
4-Xurmadle-Proff-Cabdi Ismaaciil Samater.

Taas micnaheedu ma aha in aan dhaliilay ama hoos u dhigay
maqaamka shakhsiyaada kalle oo tartanka ku jira laakiin waa
sida aragtideeyda khaaska ahi dhigeeyso iyo macluumaadka aan
ka soo ururiyeey oo aan ku qancay iyadoo mudnaanta koowaad aan
siiyeey daacadnimadda,hufnaanta shakhsiyadeed,dareenka iyo
damiirka wadaniyadeed(somaliyadeed)haka kuwo kale oo badan
leeyihiin qeybi sifooyinkaas ka mid ah iyo dhaliilo weheliya
sida-Dhaqan Qabyaaladeedka,Xatooyo,ku tiirsanaanta dowladaha
deriska iyo falal dembiyeed qaarkood loo aaneeynaayo(ka qeyb
qaadashadii colaada sokeeye iyo boobida hantida ummadda).

Inkastoo afartuba yihiin muwaadiniin xalaal ah dalkooda iyo
dadkoodaba jaceyl kuna caan baxay difaacida qaranimadda iyo
midnimadda dalkooda hooyo,sumcad wanaagsan iyo maqaamka sare
oo xurmo ku leh bulsho-weynta weliba qaarkood heer caalam caan
ka yihiin agteeydana qadarin gaar ahaaneed ku leeyihiin hadana
waxaan codkeeyga siin lahaa ama siiyeey Xurmadle-Madaxweyne-Sh.
Shariif Sh.Axmed oo aan u arko ninka ku haboon marxaladda kala
guurka iyo dhameeys-tirka howlaha badan oo uu hada gacanta ku
hayo oo ahamiyad weyn leh anigoo rajeeynaaya in 3-da kale hadii
Allah idmo mustaqbalka xilkaas qaban doono(dhammaantood amaan,
bogaadiin iyo milgo gobeed joogto ah)(midkood qaban doono xilka
Hogaanka Qaranka-Inshaa Allah).
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-June-25-2012.

