Qaybta Warka
Dhambaal, Furan, oo Ku Wajahan Madaxada Jabhada Wadaniga Xorayanta Ogaadeniya ee JWXO,

Ciidamada Wayaanad, ee Itoobiya, oo Dad shacaba ku Laayay Tuulada Galaalshe,

Jigjigga maxaa ka dhigay timir xabaal taalaa”? Ogadeniyana itoobiyaa gumeysata Jigjiggana Ina Iley!!!!

Socdaalkii Naftii Hure Maxamed Shariir iyo Xaalada guud ee Ogaadeniya,

Ciidan, Cusub oo Boolisa oo Jubbaland ay leedahay oo Saaka lagu arkay Wadooyinka Magaalada, Kismaayo

Daawo, Nin Ka Sheekaynaya, Qaabkii uu kaga mid noqday, Ciidanka Hawaarinta

Daawo, Sheekh, Axmed Madoobe, oo Loo Doortay Madaxwanaha Jubbaland,

Daawo, Ilays TV, oo soo bandhitay, Beenta, Cabdi Ubo, oo laga duubay Filim Qarsoodi ah

Heestii, Hambalyo,jwxo iyo Ilays TV, Codkii Farxiya Ladan,

Bandhigii, Ha ka hadhin, Halganka iyo Hidaha, Bulshada, iyo Kooxda Danab, ee Bariga Afrika,

Radio, Xoriyo, oo Waraysi La yeelatay, Naftii, Hure Maxamed Xasan Qaari, oo Ka Baxsaday Gacanta Gumaysiga,

Cabdi Iley – Shacabka Somaaliyeed ee Ogadenya iyagaa bilaabey dagaalka oo Tigreega ka gardarnaa

Ururka, OYSU, oo farax Cusub ka Furtay Goblka Galbeedka, Canada ee Aberta, Edmonton

Cadaani Hirmooge Afhayeenka Jabhada JWXO, oo ka waramaya goosashada Maleeshiyada Qaatiliinta.

Daawo, Bananbax looga, soo Horjeedo, Madaxwayne, Culusoowga Soomaaliya,

Daawo, Xaflada, ay Wada Qabteen Ururka OYSU, iyo Jaliyada, Minneapolis, ee Dalka Maraykanka,

Dagaalkii, Sandhooleey, Waxaa Cadawga loogu gayastay Khasaaro, naf iyo Maalbaba leh

Mar, Kale iyo Kulanti Wanaagsan. iyo Waliba Mudadadii Bisha ahayad, een kala maqanayan

OYSU San Diego oo ka qaybgalay sannad-guuradii 2aad ee Walk to End Genocide

Dawlada, Maraykanka, oo dib uuga laabatay, in Cunaqabatayantii Hubka laga Qaado Soomaaliya,

26-Ka, June Waa Maalinii Xoriyada, Gobolada, Waqooyi ee Dalka, Soomaaliya, Xusuus Mudan


Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo Suubane(Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa)
Xoriyadda madax banaanida ayaa ah sheey qaali ah lagu
tilmaamo dhalashada ummadeed iyo hanashadda maqaamkooda
jiritaanka dhalashada qaranimadooda iyo jiritaankoodda
oo loo soo maray halgan qadhaar oo naf iyo maalba loo
soo hudhay,geesiyaal halyeeyo god u galeeyn,kuwo kala
kulmeen dhaawacyo iyo dhibaatooyin xad dhaaf ahaa kuwo
ku muteen masaafuris iyo ka dheereenta dalkooda,dadkooda
iyo qoysaskoodaba,kuwo kale oo badana kala kulmeen dhacida
hantidooda qaaliga aheyd hadana loo adkeeysay waayo:-waxaa
waxaas oo dhan ka qaalisan hanashadda dhalinta xoriyadda
qaaliga ah guud ahaanba geyigan somaaliyeed u iftiintay 26
kii Jun 1960-kii(Allah Mahad Leh).

Anigu xiligaas hal sano iyo dhoowr bilood ayaan jiray balse
Aabahay(Aun-Aamiin)oo wadaniyadu dhiigiisa ku abuurneyd ayaa
ii sheegay inwuu habeenkii farxadii awgeed(Isagoo markaas ku
sugnaa Malaaladda Berebera)farxdii ooyeey,ooyeey oo xaalku ka
ka noqday farxadii waa naxdiin wuxuu marxuumku ku tilmaamay
mid aan la qiyaasi kareeyn lana sawiri kareeyn balse la mid ah
dhalashadeeydii aniga maadaama aan cudurkii aabe iyo hooyo ahaa
(Aun-Waalidkay-aamiin)iyo guud ahaanba halyeeyadii geesiyaashii
naftooda u hudhay hanashadda xoriyadda gaar ahaan goboladii ama
dhulkii Waqooyiga oo gumeeysi Ingiriiska ku jireey waxaana suxid
mudan:-
 
-Halyeey-Imaan Axmed Guray.
-Halyeey-Geesi-Sayida Maxamed C/Dulle Xassan(aabihii Daraawiishat).
-Halyeey-Sh.Bashiir.
-Halyeey-Ismaaciil Mire.
-Halyeey-Faarax Oomaar.
-Halyeey-Xaaji Maxamed Macalin(Caga-dhiig)oo awoowe iigu beegan.
-Halyeey-Abwaan-C/Laahi Suldaan Timma-cadde iyo halyeeyo badan
oo dhigooda ahaaba dhammaantood Allah naxariistii janno ha siiyo
aamiin,ummadana ka mudan qadarain iyo xusid maqaamkeeda leh.
26-kii Jun 1960-kii waa markii ugu horeeysay oo si xornimo leh
gobanimo dhab ah ku dheehan tahay karaamo ummadeed,sharaf iyo
Milgo gobeed leh wuu calankeena Cawaalle ka dul babaday dhulkii
waqooyiga oo xor ah taasoo micnaheed yahay hanasho xoriyad iyo
dhadhamiinta macaanka miraha xoriyadda oo ku baxay dhiigii iyo
naftii iyo maalkii somaalidii xalaasha aheyd oo eey horseedka ka
ahaayeen geesiyaashii xoogagii daraawiishta Somaaliyeed halyeey
Geesi-Sayid Maxamed hogaaminaayeey oo aqlabiyadoodu ka soo jeedeen
ama u dhasheen degaamada Khaatumo state of Somalia hooyga xoriyada
iyo karaamadda,hadaba munaasabadda qaaliga ah 26-ka Jun oo laga
joogo mudo gaareeysa 52-sano waxaa ayaan daradeeda leh qaabkan
gun-nimadda leh oo loo kala daadsan yahay waana mid murugadeeda
iyo walaaceedaba leh laguna tilmaami karaayo(saman gunimo dhab ah),
anigoo Allah ka tuugaaya in karaamadii,milgo gobeedkii,qiimihii
xoriyadeeda guud ahaan dhulka somaaliyeed dib u hantaan,midnimadii
iyo wada jirkii walaalnimada ku saleeysnaa oo hab cadaaladeed iyo
hanaan xaq soor leh dib loo hanto-aamiin-Hanbalyo 26-ka Jun,guul
si gaarka Maamulka Khaatumo State(Madaxdda,Golaha Dhaqanka iyo
guud ahaanba Bulsho-weynta iyo Somaalida damiirka,dareenka,qiirada
Wadaniyadeed iyo midnimadda qarameed u taagan) 26-ka jun guul iyo
Gobanimo.
 
 
 
-26-KA JUN GUUL IYO GOBANIMO-
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
sharifhassan50@hotmail.co.uk
Jun-24-2012.