
Gudiga, Doorashooyinka Dalka Masar ayaa Shaaciyay, in, Maxamed Mursi uu noqday hogaamiya, Dalka Masar oo markii u horaysay tariikhada la soo doorto, Taageerayaasha Mursi ayaa isugu soo baxay maanta Fagaaraha Xoriyada ee Caasimada Qahira ayaga oo ku qaylinaya Alahu Akbar, iyo damashaad, iyo farxad ayaa ka dhacaya Fagaraha Xoriya ee Magalada Qahira, Milatiariga Dalka Masar ayaa sheegay inay xukunka Wareejin Doonaan Bishan June Dhamaadkeeda, waxaana la filayaa in uu dalka Masar u horseedi doono Isbadalkani Nabad iyo Horumar,