FASHILAADA QORSHAYAASHII QARSOONAA EE RAJIIMADDA S/LAND IYO P/LAND.
Mahad oo dhan Allah ayeey ku sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo Suubane Rasuulkeena(Muxamed CSW korkiisa)
Nabadgelyada,xasiloonida,deris wanaaga iyo dhoowrida
xoriyada,xurmada iyo xuquuqda bulshadda ayaa mudnaan
weyn waana mida looga baahan yahay maamulada dalkeena
ka jira in eey xeeriyaan ama ka shaqeyn horumarintiisa
gaar ahaan dhinacyada(Caafimaadka,Waxbarashada,Biyaha
Wadooyinka,Deryeelka Agoomaha iyo Naafadda iyo habeynta
hanaanka garsoorka)colaada,dagaal,duulimaad,dhiig daadiin
iyo dhibaato abuurid dano gaar ahaaneed ka dameeyaan ayaa
halkaas dhigay aqlabiyada dalkeena hooyo waana ayaan daro.


Xiisadaha colaadeed,duulimaadka qaawan iyo hab iskaashiga
gardaro ee maamulada S/Land iyo P/Land ku soo qaadeen kuna
qabsadeen degaanka Tuka-raq oo ka tirsan G/Sool(khaatumo)
ayaa fal dembiyadeed cad iyo duulimaad qorsheyn oo lagu soo
qaaday Maamulka Khaatumo State Of Somalia waana arrin eey ka
dameeyaan ujeedoo waaweyn oo labadaas maamul intii mudo ahba
iska kaashanaayeen lidna ku ah qaranimadda iyo soo celinta
midnimadii somaaliyeed iyo in dalku helo xasilooni buuxdda
waxaana markhaati cad kuugu filan olollaha lagu curyaaminaayo
in Dalku ka baxo xaaladda Ku meel gaarka,kooxaha nabad diidka
goboladda laga xoreeyo,barlamaan somaaliyeed iyo ergooyinka
ansaxiinta dastuurka Odayaasha dhaqanku soo xulaan,sidoo kale
waxaa cadeeyn inoogu filan guul daradii Maamulada P/Land iyo
S/Land kala kulmeen shirkii Istanbuul Turkia guushuna ku raacday
Somaalida qaranimadda iyo midnimada u taagan,Xaaladaas ayaa siweyn u dhaawacadeeysa boogihii horena sii damqeeysa dadka deris
wanaaga ah,ehel wadaaga ah oo xiriirka soo jireenka ahaa lahaa
si kala fogeeyneeysa cawaaqib xumadeedana leh.
Qorshaha wajiga cusub leh ayaa banaanka soo dhigtay qorshayaashii
habka qarsoon ku socon jiray oo labadaas maamul ka dhexeeyeey danta
ka dameeysaana aheyd curyaamiinta Maamulka Khaatumo iyo guud ahaanba
cidii qaranimadda,midnimadda iyo hanasho hanaan dawladeed ku howlan
gun-nimadda iyo gumeeysi hoos joogida diidan,ku gaashaaman damiirka
nool iyo dareenka wadaniyadeed iyadoo labadan maamul naceyb,colaad
iyo cuqdad qarniyo soo jirtay u qaban dadka asal ahaan ka soo jeeda
Halgamayaashii geesiyaashii Daraawiishtii madaama iyagu gumeeysiga
la duubnaayeen maamul ahaan,weey jireen dadka asal ahaan labadaas ka
soo jeeda oo qiimo weyn ku lahaa halgamadii xoriyadda(geesiyaal dhab)
hadana weey jiraan dad badan oo diidan colaada,dagaalka iyo hanaanka
qaloocan oo hogaanka maamuladaasu ku shaqeeynaayaan,anigu shakhsiyan
lid kuma aheyn jiritaanka maamuladaas iyo horumarka eey ka gaareen oo
ah mid ahamiyadiisa leh(inkastoo aan S/Land ku diidanahay habka iyo
qorshahooda kelinimo ee Somali-diidnimada ah)waxaan oran karaa maata
fashilaada qorshayaashii iyo dabinadii labadaas rajiim waa arrin guul
u ah Maamulka Khaatumo iyo qof kasta oo dareen somaaliyeed leh,midna
ogaada xiisad abuurida iyo duulimaada Nugaasha(Tuka-raq)waa arrin leh
labo waji:-1-Caqabadeeynta iyo mudgi gelinta shirka Dowladda KMG iyo
Maamulka S/Land(waa arrin hab iskaashi leh ku saleeysan)2-Abuuridda
xaalad qas iyo jaha-wareer shirka Odayaasha Somaaliyeed(waana kuwo
hab xeeladeed leh laakiin nasiib wanaag si cad u fashilmay).
Fashilaada Qorshayaashaas ma noqon doonaan kuwo toosiya dariirka iyo
dadnimadda seexatay ee horgalayaasha asal ahaan ka soo jeeda Khaatumo
kana tirsan labadaas maamul,ma noqon doonaan kuwo mideeya guud ahaanba
Bulsho weynta reer Khaatumo,ma noqon doonaan kuwa sii xoojiya Khaatumo
laguna saxo dhaliilaha jiri karaaya(sida raadiinta hanaan lagu soo xero
gelinaaya horgalayaasha iyo shakhsiyaadka kale oo oo weli banaanka
ah Khaatumo,ma noqon karaa tallaabo si weyn u dar-dar gelisa howlaha
kala duwan ee Khaatumo,Jaaliyadda Khaatumo ma laban laabi doontaa ama
sida ku haboon ma ula duuban doonaan Maamulkooda-guusha xaqa ayaa leh.
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Jun-16-2012.