Suubane(Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa)xildhibaanimo ama
wakiilnimo masuuliyad weyn oo culeeyskeeda leh,maqaamkeeda iyo
mudnaanteeda leh runtiina ah codka shacabka,damiirka bulshada
iyo dareen difaaca una hiiliya rabitaanka ama aragtida dadka
oo xaqa waafasaan,xildhibaanku waa illaaliya xukuumadda iyo
dejinta sharciyada ama qawaaniinta danaha guud ku saleeysan
horumarka iyo ahamiayad u leh dalka iyo dadkaba.
Hadaba qorman maanta ayaa sawir cad kaga bixinaayaa noocyadda
Xildhibaanadda Somaaliyeed oo dalkeena hooyo soo maray anigoo
ku dadaalaaya in aan qeyb walba magaca ama naaneeysta ku haboon
ku tilmaamo,shaki kuma jiro in barlamaankii ugu liitay uguna
karti,shaqo,masuuliyad iyo dareen wadaniyadeed xumaa yahay midka
xiligan labada dhinac u kala qeybsan(Howl gabka ah)noocaydii ama
Naaneeysihii Barlamanadii somaaliyeed waa sidan:-
-Barlamaankii ugu horeeyeey runtii inkastoo aqoonta cilmiyeed ku
yareeyd ,waayo aragnimadu ku koobneyd hadana wuxuu lahaa ama
ka muuqateey dareaan wadaniyadeed iyo dadnimo wanaag(kaasu wuxuu
ah Barlamaankii Dadnimo Wanaag).
-Barlamaankii Labaad una badnaa kuwii kii hore ku jiray waxaan oran
karaa waa barlamaankii(hebelba Xildhibaan noqoay).
-Barlamaankii 68-dii(Barlamaan Khsaaray)waxaa kale oo la oran karaa
Kii Qabyaaladda(Khasaare).
-Barlamaankii Dowladii Kacaan-ma laheyn habka xoriyadeed balse wuu
jaheeynaa waxaa loogu magac dari karaa ama loogu yeeri karaa
(Golihii Yes wax walba haa).
-Barlamaankk Dowladii Carta biloowgii sharciyeenta xaaraan 4,5
waxaa loogu yeeri karaa (barlamaan ku sheeg)waayo magaca ayaa
ayaa barlamaan laakiin dawlad iyo howl barlamaan midna ma jiriin.
-Barlamaankii Dowladii Imbagaati(TFG-da)waxaan oran karaa kooxdii
waji badan oo micnaheedu yahay:-Qab-qable,Dagaal Ooge,Qabyaalad
u adeege,Gacan ku dhiigle,Shaqaale Shisheeye,Daneeyste(kaasu waa
Barlamaankii Mindiyaha Qarsoon).
-Barlamaanka Dowladda KMG(midka hada ah) waa barlamaanka ugu liita
uguna muran iyo is-qabsi badan markaas waa(Barlamaanka Howl-gabka),waxaana ah Xildhibaano qeybahan iyo shakhsiyaadka qaab
dhaqmeedkan leh:-
-Xildhibaanadda garadka Shariif Xassan.
-Xildhibaanadda garadka Sh.Shariif.
-Xildhibaanadda garabka Faroole)P/Land.
-Xildhibaanadda garab Nuunoow.
-Xildhibaanadda wakiilkadda S/Land.
-Xildhibaanadda wakiiladda Galmudug.
-Xildhibaanadda Reer Khaatumo.
-Xildhibaanadda garab Azaaniya.
-Xildhibaanadda Niyadda kala jira Ahlu-sunna.
-Xildhibaanadda Ismaaciil Geele keensaday.
-Xildhibaanadda Kenya ka dameeyso.
-Xildhibaanadda Itoobiya ku tiirsan.
-Xildhibaanadda dhexdda raac.
-Xildhibaanadda coloosha.
-Xildhibaanadda maqanayaasha.
-Xildhibaanadda Kamaradda(kuwa xaflad walba taagan).
-Xildhibaanadda Muran (garabka foodada).
-Xildhibaanadda soo Dhoweeyntaiyo sagootinta.
-Xildhibaanadda Qabyaalad difaaca.
-Xildhibaanadda garabka dabeyl raaca.
-Xildhibaanadda garabka damiirka leh(waana kuwo meel aan ku
habooneyn jooga.
-Fiiro Gaar Ah:-Masuliyada Xildhibaanka ayaa ah in wuu cid ama
degaan metelo lagana soo doorto ma wuu magacooda xilka ku joogo
danaha qaran iyo kid degaankana ka wada shaqeeyo,balse ma arko
xildhibaan ama wakiil cid aan ku timaamo karaayo-midka cusub ee
la soo wado koleey kama maqnaaneeyso eex,cadaalad darro,dano iyo
ujeedooyin wajiyo kale leh inshaa Allah kuwo damiir leh danaha
guud iyo qaranimada u taagan oo garanaaya una qalma magaca iyo
maqaamka xildhibaan-nimo.
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Jun-15/2012.