Inta aadan xiiqin Xoogso, Waa, Maqaal Murti Xambaarsan, Qayabtii 1aad Qore, Xaaji Ali Yare.

Qayabtii 1aad Qore, Xaaji Ali Yare.


Odhaah murtiyeed soomaaliyeed yaa waxay ahayd  “Intaadan falin ka fiirso”.  Odhaahdan oo murti weyn  xambaarsan ayaa badanaa la adeegsadaa marka qof looga digayo inaanu samaynin  hawl aanu ka fiirsan. Hadaba  sababta shaqsi ahaan maanta igu kaliftey inaan halku dhigan soo xigto ayaan jeclahay inaan halkan kaga faaloodo.

Shaki kuma jiro in halganka gobonimo doonka ah  ee  JWXO oo kaashanaysa shcabkeeda ay kagala soo horjeedo gumeysatada madow ee itoobiya wuu leeyahay taageerayaal badan iyo mucaarad labadaba taas oo ah arin iska caadi ah oo ururkasta oo xoriyad doon ahi soo maro.

Balse  mucaaradka ONLF, ha ahaadeen cadowga hubaysan ee shacabka xasuuqaya sida Wayaanaha, ha ahaadeen kuwa cadowgan  uurka kala jira, ha ahaadeen kuwa afka ku buun buuninaya ama ha ahaadeen kuwa adinka kala jiree dhamaan iyagu ka hadal ma leh aan ka ahayn in dhulka Ogadeniya laga cidhib tiro. Hase yeeshee  waxaa mararka qaarkood dhacda in shaqsi halganka taageersan meel fiicana bulshada kaga jira oo ama mas’uul ah ama xubin muhiim ahba aad aragto isagoo meel aan lagaba fileynin mudh ka yidhi  ama xaajo aan laga fileynin ku dhaqaaqay. Runtii waa arintan mida aan rabo inaan manta halkan kaga doodno, waana ta igu dhalisay inaan halku dhigan “”Intaadan xiiqin xogso” soo xigto  sababtoo ah waa arin u baahan in si dhab ah loo darso waayo wax sahlan ma aha in qofku aayar  mabda’ii uu aaminsanaa ee lagu bartey ee uu xooga iyo xoolahaba ku bixiyey ka tanaasulo dhabarkana u jeediyo isaga oo miyir qaba.

Markaad aragto nin shalay ku garab ordayey oo weliba laga yaabo inuu  kaa firfircoonaa, kaa dhiig kululaa, kaa dadaal  badnaa, kaa wax bixin badnaa ama kaaga aqoon badnaa waxyeelada gumeysiga, ooyina jirey marka laga sheekeeyo oo xaga kale ka soo jeestey waa gar inaad isweydiiso waxa qaldan. Markaad aragto shaqsi wixii uu shalay caayayey maanta amaanaya, waa inaad su’aalahan isweydiiso: tolow ninka ma xaga maskaxdaa cudur kaga dhacay oo wuu soo waalan rabaa? Malaha ninku ujeedada halganka ma fahansanayn? Mise dan gaar ah buu watey? Ma magac doon buu ahaa? Ma madax doon buu ahaa? Mise hadafkiisa dhani wuxuu ahaa mid laab la kac iyo ujeedo li’i ku salaysan.

Ani ahaan dhowr qodob ayey ila tahay inay sabab u yihiin is badalada noocan oo kale ah ee ruuxa ku kalifa inuu hal mar 360 degree  is wareejiyo qadaadkana u duwo qadiyad laga yaabo inay aad ugu dheerayd wakhti dheerna u soo hurey. Intaananse qodobadan sharaxaadooda u guda galin ugu horeyn waxan jeclahay bal inaan halganka Ogadeniya ka socda ku  mitaalo ama ka soo qaado inuu yahay wado weyn oo laami ah ( Highway or Freeway)  oo bar bilow iyo bar dhamaad leh. Jidkan waxaa soo gala ama ku soo darsama jidad yar yar (Entrances) oo fara badan. Mida kale jidadkan yar yari waxay iyaga qudhoodu leeyihiin meelo ay ka baxaan (Exits).  Haddii aan hadaba macnaha jidkan weyn sii qeexo; jidkan weyni waa hadafka iyo himilada jabhada ONLF  kaas oo leh bar dhamaad oo ah bartilmaameedka la higsanayo ee ah xoriyad taam ah iyo bar bilow oo ah meeshii iyo goorta halgankan la bilaabey. Jidkan weyn ummadda haysa ee isdaba qulqulaysaa waa dadka hawsha halganka wada xubin iyo taageere midkuu doono ha ahaadee. Dhanka kale jidadkan yar yar ee jidka weyn ku soo darsamayaa waa meelaha taageerayaasha hawsha dhaqdhaqaaqa gobonimo doonka ah wadaa kagaga soo biirayaan halganka. Teeda kale dariiqyadan yar yari malaha mid mid la magac ah ama mid mid la ujeedo ah. Sidaa darteed Shaqsi kastaa dariiqa uu kaga soo dhacay jid weyn  ayaa ah ujeedada qofku halganka ugu soo biirey. Qofkii jid khalad ah halganka ka soo gala jid khalad ah buu ka baxaa. Haddii qofku marka horaba dhabaha uu jidka weyn  ku soo galay  aanu ahayn midka saxda ah ee JWXO ay jeexday waa hubaal in qofkaasi goor ay noqotaba uu wadada rastada ah gees uga bixi oo wadiiqo dhuuban oo qodax iyo qoofal badan afka saari, taasina waa sababta aan mararka qaarkood u aragno qofkii oo siduu dadka u dhex socday hal mar uun dhinac u booday.

Qaar ka mid ah jidadka faraha badan ee jidka weyn ku soo darsama ayaa waxay kala yihiin: 1) Gurdan raac 2) tol raac 3) Dan raac 4) jago raac (Jago doon) 5) Saaxiib raac iyo wixii la mid ah 6) Waji raacan 7)  iyo Xaq raac.

Gurdan Raac  gurdan raac  waa kula lug ama dameeri dhaan raacday. Qofkii ordayaba wuu iska garab ordaa. Meesha loo socdo dadka ma weydiiyo, waxa loo socdo ma weydiiyo ee hugunka unbaa isaga xukuma. Siduu u xiiqsan yahay ee dadka u dhex ordayo mararka qaarkoodna ugaba horeynayo ayuun buu halmar sidii wax hurdo ka kacay soo baraarugaa ka dibna wuxuu ka baxaa jidkii gurdan raaca. Kuwan waxan odhan karaa ujeedadaba ma fahansana ama kas yari ha ugu wacnaato ama kaadsiinyo yari’e. Waxan goob joog ka ahaa shaqsiyaad halganka ku soo galey riwaayad iyo heeso maalintii riwaayaddii dhamaateyna isna dariishada ka baxay. Kuwani waa lax dhukani col iyo abaar moog.  Gurdan raac maalintu wadiiqada ka leexdo, dadka aan aqoonini ee digdigtiisa uun arki jirey waxay ku sheekaystaan in halganka garab weyni ka baxay laakiin gurdan raac halganka wuxuu kala tagaa dhib badan iyo dheef yar. Gurdan raac gafafka uu halganka ka galo ayaa xalintooda mudo lagu daalaa  waayo kaadsiinyo yaridiisu waxay keentaa inuu  hadba xaajo hor leh qarka kaga istaago. Warkii oo kooban “Gurdan raac nin aan aqoonina amaan nin yaqaanaana ka Alla bari”

Tol Raac   tol raac qudhigoodu waxba ma dhamaan gurdan raac waayo garashadooda iyo rabitaankooda halganka kuma taageeraan ee shaqsi kale ayey iska bidhaan eegtaan.  iyagu waxay arki uun mid ay isku ehel yihiin ama isku degaan yihiin ka dibna iyagoo aan waxba waydiinin ayey iska garab ordaan. Haddii hadaba kooxdani ay  tolnimaddii  meesha ka wayaan amaba shaqsiyaadkii ay bidhaan dhowranayeen  iyaga qudhoodu jidka ka baxaan, wax u yaala ma leh oon ka ahayn inay daba ordaan raggii ama dumarkii ay dartood  halganka u soo galeen. Tol raac badanaa qalad iyo sax  shaqadiisa ma aha laakiin xaalkiisu waa mar haddii hebelkaan garanayey la waayey ana lay waa. Kuwani waa bidhaan raac wayna ka liitaan gurdan raac waayo gurdan raac dadka halganka kula jira badanaa ma kala xigteysto oo waa nin iska jibaysan laakiin tol raac wuxuu dadka kula dhex jiraa irbad mariid ah.  Tol raac wuxuu khalad iyo saxba ku taageeraa mid uu dartiis halganka u soo galay.  Shaqsiyaadkan waxa wax walba uga muhiimsan ehelkiis balse dan guud qiimo badan uma leh.

Dan Raac   kuwani waa dhacdhac doon, fikirkooda ugu weynina waa armaad meesha dufan iyo leef leef ka heshaan; meeshana wuxuu u yimid oo kaliya inuu ka luflufto ama hunguri ka helo. Haddii uu hadaba dantiisa meesha ka helo wuu sii joogi laakiin haddii uu dantii uu u soo galay hawsha halganka waayo wuxuu si deg deg ah uga baxaa dariiqa dan raac. Kuwani in badan isma qarin karaan waayo waxay wax ka maqlaan oo kaliya dhuunta, sidaa darteed dhagahoodu dhuunta ayey ku yaalaan.

Jago raac (Jago doon)  jago raac waa nin magac iyo madaxnimo iyo weliba ha lagaa sheego halganka ugu soo biirey. Kooxdani waxay caan ku yihiin isu dhiga kaameerooyinka iyo microphone jacaylka. Goobta shaqsigani joogana had iyo goor lagama waayo dacwad iyo dood aan dhamaad lahayn. Hadaba  jago raac  maalinta uu madaxtinimaddii waayo ayaa isna la waayaa, hase yeeshee inta war heleow hadal, maxay kula tahay iyo ku soo dhawow micrfoonka xaalku taagan yahay maxfalada shirka lagama waayo.

Saaxiib Raac iyo waji raac  saaxiib raac iyo waji raac waa isma dhaanto iyo dhasheed. Waa laba waji caabud. Waa kuwa qaaraanka iyo sadaqada  waji qof kale ku dhiiba balse aan deeqsinimo iyo alle ka cabsi u bixinin. Badanaa kooxdani halgan dhib sidaas ah ma yeelaan oon ka ahayn lugooyo iyo miidaan qaris.

Xaq Raac    kuwani waa kuwa xaqa u hiiliya ee daacadnimada ku sifoobey ee illaahay dartii u dagaalamaya. Waa kuwa xigtada iyo nin jeclaysiga ka xorta ah. Waa kuwa shaqsiga ku qiimeeya wax qabadkiisa balse aan ku qiimeyn meesha uu ka soo jeedo. Waa kuwa khilaafka neceb had iyo jeerna wanaaga iyo isku duubnida ku taliya. Xaq raac ma laha wax dan ah oon ka ahayn in duliga laga xoroobo.

Shaqsiyaadka  had iyo goor sida foosha xun ee kadiska ah saxada uga baxaa waa kuwa aan kor kaga soo hadalay. Waa kuwa dan gaar ah wadata iyo kuwo dameeri dhaan raacday ah. Waxan anigu goob joog ka ahaa una soo joogay shaqsiyaad dhaanto iyo riwaayad darteed halganka u taageeray, kuwo qabiil ahaan u soo galay iyo kuwo mooday ONLF in ay mushahaar bixiso. Shaqsiyaadkan iyaga ah mid qudhi maanta halganka kama taageero waayo midkastaa markay dantiisii hirgali weydey ayuu albaabka ka baxay.

Marka haddii qofku khiyaali halganka ku soo galo khiyaali buu kaga baxaa, bixitaankiisuna haba yaraatee ma jiro wax uu halganka u dhimo waayo markuu halganka hal shaqsi ka baxa toban baa ku soo biirta, balse isaga ayaa sharaf dhac iyo magac xumo ku abaada.

LA SOCO QAYTA LABAAD.

ALI YARE

Alyare2002@Yahoo.com

Dammam, Saudi Arabia.



Shilaabonews.com