Cabdullaahi Dhoodaan & Maxamed Cumar Dage


Cabdullaahi Dhoodaan                                                        Maxamed Cumar Dage

                 

- Nabi Muxamed baa loo jeclaa, jaah mar la arkaaye (csw)

- Isagana waxaa lagu jirabay, inuu jihaadaaye

- Idinkuna xornimo saa jirtaad, jiif ka damacdeene

 

- Darxurmoode nimankii fadhiyay, darar Nugaaleed e

- Demeni iyo baqdini waa miday, dir u lahaayeene

- Dulligaad Dhulbahantoow qabtaan, Doyna laga sheegye

 

-  Dogob iyo gidaar kugu dummiyo, daad ku jiidanaya

-  Naftu waxa dardarayoo dhan bay, dhaax ka durugtaaye

- Ka huleeshe Howdkii sarriyo, haatan Caynaba e

- Nimaan Habar Jecliyo Muusayoow, uga hagaagaynin

- Inuu dhoodi hoos ugu dhacoo, haniyo weeyaane

 

- Naftu inay maqnaatiyo inay, mahad ku noolaato

- Maaweelis  weeyaan haddii, mid u dhexeeyaaye

 

 

- Nafta hura iyadoo hadheey, hibasho reebtaaye

- Haddii kale huluulaha ku jira, habi la'aantiine

 

- Wallee in ayna laakiin ahayn, laydha socotaaye

- Libin baa dhow ruuxii jihaad, laabta ku hayoowe

- Doolaabta naagaha xidhiyo, duubcadiyo weerka

- Agoomaha ilamada duugagyiyo, dumarka booyaaya

- Kama diilalyoodaan kuway, duray wadaageene

- Allaa dilay nin aan diin lahayn, oo dariiqo ahe

 

- War duudkaaga ceeb saaran iyo, diilintiyo jaaha

- Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd dafuufanahe

- Inkasta ood difaacdo oo warmaha, lagu daaduunsho

- Siday kuu damqaan nabaradaa, diifta kugu reebay

- Isagab dilkaagaa u dhibiyo, dakaharadaadiiye

- Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e

 

 

- Shaybiyo haddaan la layn, Ina Shiraha Jaamac

- Haddaan shaqabka Col-ujoog ka tagay, loogu shalow siinin

- Aararsame shafkii ma aha iyo, shaanki reer boqore

- Hanna sheegannina waxaydin dhalay, baliyo shaydaane

 

- Halgan dhaawac loogama hakado, dhimasho yeelkeede

 

- Dab nin kaliya oo shida miyaa, duulka laga waayey?

- Faan iyo bilaash kuma lug go'o, fulayna yeelkiiye

 

- Raas weyn Ilaahow ka yeel, raacday foolxumo e

- Warankaagu ruuxuusan mudin, weedh la marin waaye

 

 

- Dhulka laguma soo koobi karo, socod dharaareede

- Nin afkayga dhawrow adaa, dhibay naftaadiiye

 

- Soomaalina macnaa lagu yaqaan, meel ay joogtaba e

- Oo waa hiddaha noo macaan, malab siddiisiiye

- Mar kastana ma moogaano ee, wuu naga dhex muuqdaaye

 

- Warsangali u mari yaan Hartiga, gabalkii moogaane

- Majeerteen u sheeg xaajadaa, waa mashaqo weyne

- Maxamuud Saleebaan u mari, madaxyo weyntiisa

- Bal inay dhagliga meeriyaan, aad u maqashiiya

 

- Waraabaha ku ruugaaya iyo, aar ku raamsanaya

- Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid

- Ninkii rodolna miisaama ee, kiilo raajiciya

- Ee raasamaalkuu helaa, rubuc ka hooseeyo

- Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra'yigu ma aha

- Jilaal abaaraad hadduu, adhigu kaa liico

- Ama khoof diraaceed haddii, lagugu aaheeyo

- Ogaadaay ayaamaha gu’ baa la irkan doonaaye

 

---------------------------------------------------

- Aabiga markay ula tageen, ururta Caynaanshe

- Anshigay Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey

 

- Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh

- Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita

- Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa maroorsado e

 

- Allay lehe bagaa laysu dilay, Daahiroow sabanka

- Xidid loo daryeeliyo bagaa, darajo loo waayey

- Dagaal aan qarsoonayn bagaa, loogu kala duugay

- Bagaa Dir iyo Daroodba, qiiqu uga duulay

 

- Fadhato u shaqaysaye maxaad, adigu faa'iiday (ama)

- Hooyadii figeeyoow maxaad, adigu faa'iiday

 

- Ooftuu dhigay Ciida Gale, sidii ugaadheede

- Siddii aaran geeloo dideey, ooda jabiyeene

- Mar hadday indhaha jeediyaan, orod ma daayaane

- Mataankaagii ood xaasidaa, murugaday keento

- Carabtii midowdaa og iyo, kii macooda ahe

- Masarba waa wixii lagu qabsaday, gacal la moohaaye

 

- Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale

- Uubuu galaa inan-gumeed, ururta laa caaye

- Aflagaado waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe

 

- Nimankaa siddii dibi lix jir ah, luquntu waynaatay

- Laanjaha markay fuulayaan, lugo ku rooroora

- Barwaaqada intay leefayaan, luusa garawgiina

- Intay labanka daaranahayaan, lebi ku gaajooda

- Iyagaa sariir leexsadee, luumiyaha seexda

- Lafta dhabar siday uga jabaan, laaca waligiinba

- Libaaxdaa koraysaan nahaye, hayna loogina e

- Waagaad laxaadaysataan, lowga kala fiiqa

- War ha u liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye

 

- Ingiriis ka soo carar hadduu, Cadan ku fiicnaaye

- Cishriin lag baa laga dilloo calankii, soo duubye

- Wuxuu ciidan iyo xoog lahaa, ceejiyaa helaye

- London kuma caweeyaan kobtay, cudud u yiileene

------------------------------------------------------------ - Ciqaabna ha kayaabina haddii, Diinta la cusleeyo

-----------------------------------------------------------

- Bal muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey?

- Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is daba yaacay

- Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa'imaan garane

- Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duqbaan ahaye

 

- War waa laysku soo raran yahee, hoos ha ii ridine

- Inta reerka lay isugu imaan, haygu rogin Faafan

 

- Makaahiilna jeerbaan ahaa, mini Abraahiine

- Ina Macallin baa la i yidhaa, nin u muraad loo

 

- Rabboo caynsha mooyee ninkaa, saanad lagu ciirye

 

- Daaqiyo dulaha ceelashiyo, doogga iyo rayska

- Wax kuu diidan oo durug leh, oo dibadda kuu saari

- Waxa kaaga daran eed ogtahay, eed la dirirayso

 

Xarbi Ismaaciil Samatar

- Kolkii curaddadiisii la jaray, ees cidla istaagay

- Cali Dhuuxba daya eega wuu, soo calaacalaye

- Cabdi Gaab caruurtaadii laa, cududna kaa roone

- Maxay caydu kuu qaban kartaa, waad calyocalyeyne?

 

- Qof walaalkii gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye

- Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye

 

Maxamuud Cali Beenaleey

- Doqontiyo intuu ruux damani, noo qabsado daalac     

- Danbigooda yey nagu dacweyn, garasho deelqaafe

 

- Dadba haybso mooyee ayaan, sii hundo ogaanin

- Hebaloow ma nabadbaa ayaan, horay u weydaaran

 

- Dhay baan lisaayee haddaan, dhoobo qodayaaye

- Dhalinyaradii rooraysay baan, dhaca odhan geele

- Labadii is dhuun goyn lahayd, waa isugu dhiibe

 

- Luqmo dheerahaan helay hadday, laqanyo kaa hayso

- Anigguba markaan kaa lalmaday, iima loodsamine

- Lubigii walaalnimo ninkii, laalay baad tahaye

- Gablan lexo-jecloy waa wiixii, lumiyey Ayjeexe

 

- Ku danqaday mid kibir diidsanaa, wuu la diriraaye

 

- Nin i xooray maantaan xumaa, aniga oo xaas ah

- Ku xiltiray xanaano iyo wanaag, aniga oo xoog leh

 

- Dadkayagu kadaab uma badniyo, reer ma kaadsade e

- Cilmi korodhsadkiisiyo xikmadi, naguma koobnayne

- Maskaxdu kaamil inay noo tahay, kumaan hayeen qaare

 

- Uma baran bahdey iyo inaan, bi'iyo Daaroode

- Shisheeyaha kolkaan baratanaan, badin aqaanaaye

- Marsada uu cadaawuhu degee, lagu malaynaayo

- Ilaalada ku meermeeriya oo, ha iska miriqshaanto

- Shanqadhooda goortii mugdi ah, maala dhagihiina

- Maalintiina muuq iyo bidhaan, milicsadoo eega

- Mutux yuu ahaan kiinuye, waa inaad magoogtaane

- Ragna maqaalufaa toosisee, mihindis foolaada

- Ismaan raaca towfiiqdu waa, lagama maarmaane

 

- Laba' caanaheed iyo anoo, labanka fuudaaya

- Wiilal baa i looyaamiyoo, ii lalabay fiide

- Libinna yaana geyninee haaddaan, kaa lug baxo maanta

- Walee aniga oo ladan Buslooy, kuguma soo laabto

- Qamaan iyo siday sheegayaan, qodobadii Raage

- Qofka cune qadaadkiyo la raba, gawrac luquntiisa

- Mindiduu qoobka kula soo baxaan, qoorta kaga goyne

 

- Indha-badane nimankii lahaa, ududsan maayaane

- Waxaa geela aanaysan jiray, ubaxa Daarood e

- Kolkii horeba kuma aaddanayn, adhi-fadh Iidoore

- Ri isnuugtay meel uga ekaa, nin is amaanaaye

 

- Afloow nimuu jidhxaayiyo nimuu, ubadkii weer laayey

- Iyo nimuu aboor xaganayaa, uurkutaalo lehe

- Damiin macalinkiisiyo isagii, ha is dacweeyeene

- Ninba dawgu leeyahay kolkii, dooda aan u dhawro

- Ardaygii da' loo yeedhiyee, diminta miim saaray

- Kol hadduu tacliin doonayayoo, deel xafidi waayey

- Garta haddaan la daahayn isaga, saw danbigu ma aha

 

- Nafyahay baxaysaay intaan, adiga kuu booyi

- Baasahaa dhacaayiyo haddaan, baajin karo mowdka

- Teydaan bilaad laga koriyo, gelin lahaa buure

- Daabaana qaadka ay matali, dowlada Af-weyne

- Ogaadeen damiin kama dhigtee, yow dirsaday howsha

 

- Beentiyo runtuba waa dhaw bay, kala baxaayaane

- Aan baxnaansho xaajada halkii, badhida loo saaro

- Tukashada iblays kaa duwiyo, toobadkeenimadu

- Ma taqaanid mooyee ileen, kheyr ma tabantaabsho

 

Sayid Maxamed Cabdille Xasan

- Heeryada ninkii kugu raree, hoygii kaa bixiyey

- Iyo kii ku hoosaasiyaa, waa isla halkiiye

- War how kala habaynina dagaal, haayirkiyo tuuga

 

- Allahayoow Ferenjigii muxuu, nacas fariideeyey

- Faa'iido laawiyo muxuu nin ragga, feyl ka wada yeedhshay

- Nimaan aabihiis fuuli jirin, faras muxuu saaray 

 

- Duunyada ragii kaa dhacaye, dowrshay xeradaada

- Ogoow daalinkaad aamintay baa, kaaga sii darane

 

- Naakhuudayaal iyo kufraad, nabiyo moodeene

- Nacaluhu kuwuu fuulay baad, daba nashlaysaane

- Nasab haddii aad tihiin gaaladaad, nici lahaydeene

 

- Soomalidu ma kala daah adkayn, deyro iyo deeq

- Diif hadduu badh qabo reer ma jiro, darayo beelaaye

- Inta qaar la daayacay miyaa, gobol la baardaajay

 

- Ninkaad dilli, ninkaad dagi, ninkaad dabin u qoolaysid

- Waa laysu kala daadiyaa, yuunu kaa didine

- Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa

- Hiyigiisu daaq buu jeclaa, taana hidin waaye

- Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye

- Kaasaay Hangaralihii dhulkiyo, Habasna laaceene

 

- Mustaqiimnimaa loo hadlaa, muranku waa ceebe

- Nin waliba maroor iyo qasiyo, muran haduu keeno

- Goortii markhaatigu dhacaa, mowdku ka adeegi

Doollo.com